SAMEYNTA XISAABTA EMAIL-KA
Description
SAMEYNTA XISAABTA EMAIL-KA
Document Sample


Somali
SAMEYNTA XISAABTA EMAIL-KA
Waxaa jira goobo ganacsi oo badan oo bixya xisaabo email ah oo aan lacag lagaaga qaadin. Qaar
ka mid ah kuwa ugu caansan halka hoose ayaa lagu taxey:
www.hotmail.com www.yahoo.co.uk www.talk21.com
Warqadan lagu siiyey waxa ay ku siin doontaa tilmaan-bixin tusaalle ah oo ku saabsan habka loo
isticmaalko Farriintaada Yahoo! ah “Yahoo! Mail”, Adeeg bixiye kasta oo aad email-kiisa
isticmaashoba, habka loo adeegsado waa isku nooc.
Xisaabaha uu web-ka saldhigga u yahay waxaa laga soo geli karaa kombiyuutar walba oo internet
ku xiran yahay oo meel walba oo caalamka ka mid ah uu internet-ka kaga xiran yahay.
Cinwaanka website-ka email bixiyaha aad dooratay ku qor barta cinwaanka “ address bar” ku
yaal sanduuqa wax laga arko “screen” dushiis.
.
Goobta email-kaaga ayaa soo bixi doonta – guji dusha xiriiriyaha email-ka.
Guji halkan
Ka dib waxaa lagu geynayaa sanduuqa “ Login screen”. Maadaama aadan horey xisaab email
u laheyn, waxa aad u baahan doontaa in aad gujiso xiriiriyaha Sign up now .
Ka dib waxa aad arki doontaa sanduuq “screen” ay far qoraal ah ka buuxdo! Kuwani waa
Shuruudaha Adeegga Lagu Helo “Terms of Service”. Haddii aad doonta waqti badan baad
eegisteeda ku bixin kartaa, laakiin waxa aasaasiga ah ee ay kuu sheegayaan waa in ay bas
Yahoo! Mail tahay wax aad lacag la’aan ku heyso, haddii aad shuruudaha cayiman oofiso.
Waxaa lagu siinayaa oo keliyah boos uu cadadda farriimaha aad ku keysan karto cayiman
yihiin iyo in aad adeegga si mas’uuliyad qaad leh u isticmaasho. Waxaa dhici karta in aad
hesho farriimo aadan u baahneyn oo “spam” loo yaqaano kuwaas oo aysan Yahoo! ka mas’uul
aheyn. Marka aad go’aansato in aad sii wadato, guji botoonka waan ogolahay “ I Accept”
Ah. . .
Sanduuq “screen” ah baa soo muuqan doona, kuna weydiinaya wax faahfaahin badan. Sheyga
u horeeya ee lagu weydiinayo waa summada Yahoo! ID ee lagugu garto. Tani waxa ay ahaan
doontaa magaca lagugu garanayo mar walba oo aad soo gelitaanka xisaataabaada Yahoo! ah
soo saxiixdo. Aad uga fikir summadaada “ID” – dadka intooda badan waxay isku deyaan oo ay
isticmaalaan magacyadooda, laakiin xusuusnow inay tani tahay adeeg aduunka ku baahsan oo
waxaa dhici karta in uusan magacaaga keli kuu aheyn. Waa fikrad fiican in aad neynaas ama
qaab wax ka bedelan oo magacaaga ah isticmaasho. Qoraalka summaddada boos ka bood
“spaces” ha ku isticmaalin iskana ilaali isticmaalka farta waaweyn, maadaama ay summada
Setting up an email account with Yahoo! - SOMALI
ID-du tahay mid aalada qoraalka u dareen badan ayna ahaan doonto wax aan la garan karin
haddii aad haddana farta waaweyn kuqorto. Ereyga kuu sirta ah “Your password” waa in uusan
ahaan mid aad ugu eg summaddaada ID-da ah waana in uu caadi ahaan ka koobnaadaa lix xaraf
ama wax ka badan. Marka aad qoreyso, waxa uu u muuqan doonaa sida asterisks, markaa si
taxadir leh u qor.
Yahoo! ID Si aad u xusuusato halkan
(Summada Yahoo!) ayaad ku qoran kartaa Yahoo!
Password ID-gaaga iyo password-kaaga.
(Ereyga kuu sirta ah)
Ka dibna waxaa lagu weydiinayaa wargelin dheerad ah, oo aad teebka (type) ugu qori kartid
sidii caadiga kuu aheyd, tusaale ahaan farta teeda waaweyn iyo teeda yaryarba waa la ogol
yahay. Haddii aad calaamadan arragto , khasab kugu ma aha in aad wax ku teebgareyso,
dusheeda uun guji oo taxane (liis) ayaa soo muuqan doona , ka dibna guji dusha wadada kuu
furan ee aad u baahan tahay.
Ilaa aad hoos ka gaarto buuxi faahfaahinta. Waxa aad arki doontaa qeyb sheegeysa: Contact
me occasionally about special offers, promotions and Yahoo! Features (Mararka qaar igala
soo xiriir wixii wax bixin qaas ah, wax dhiirgelinta iyo dabeecada qaaska ah ee Yahoo!) – oo uu
sanduuq yar ku dhinac yaal – iyo taxanaha mowduucyada – oo ay iyaguna sanaadiiq yaryar ku
dhinac yaalaan. Haddii aadan wargelintan helin, wada guji dhamaan sanaadiiqda haboon,
haddii kalese iska daa. Maskaxda ku hey in haddii aad sanaadiiqda gujiso in aad heli doonta
farriimo aadan u baahneyn.
Sii wad ilaa aad ka gaarto botoonka Foomkan Soo Gudbi “the Submit This Form” oo gujina.
Haddii aad nasiib leedahay, waxa aad heli doonaa farriin ah Yahoo! ku Soo Dhawow “Welcome
to Yahoo! “. Haddii aadanse farriintan helin, waxa aad heli doon wax waxan u eg:
haddii ay sidan dhacdana, waxaa kugu waajib noqoneysa in aa summad “ID” kale aad
sameysato (halkan pennychew waxa aan ku bedelnay chewypen).
Marka aad hesho farriinta soo dhaweynta ee Welcome to Yahoo! , sanduuqan ayaad arki
doontaa:
Setting up an email account with Yahoo! - SOMALI
Haddii ay sax ku taal guji
Ka dibna guji halkan
si aad uga takhalusto
Waxa aad markan lagu weydiin doonaa in aad xaqiijiso erreyga kuu sirta ah ee password-ka ah,
taas oo inaad saxiix Yahoo! Mail-ka ku gasho kuu ogolaaneysa.
Sanduuqa farriinta Yahoo! Mail-ka waa mid aad u mashquulsan‘busy’, oo ay mel walba kaga
qoran yihiin qoraalo, oo ay botoono iyo sawiro meel walba kaga yaalaan. Hadda waxaas ha ka
welwelin, waxa aan wax ka qabaneynaa qeybaha muhiimka ah marka aan u baahano.
Waxa aad arki doonta calaamad kale oo soo dhaweyn “Welcome” ah iyo qaar sheegaya inta
farriin ee aadan akhrin ee kuu taal:
Guji halkan si aad
farriinmahaaga u eegato
Si aad farriin u akhrisato, mowduuca farriinta dusheeda guji (hadda waxa aan ka hadleyno waa
, Yahoo!):
Guji halkan
Farriinta ugu horeysa Yahoo! bay kaaga imaaneysa waxayna kuu sheegeysaa wax
xisaabtaada iyo sida loo isticmaalo ku saabsan.
Marka aad akhrinta farriimahaaga email-yada ah dhameysato, haddii aadan xisaabtaada email-
ka ah wax kale ku sameyneynin, mar walba xisaabtaada saxiix uga bax adiga oo gujinaya
xiriiriyaha [Sign Out]. Waa wax waxtar leh in la guji dusha xiriiriyaha Sign out completely , taas
Setting up an email account with Yahoo! - SOMALI
oo ID-gaaga iyo erreyka kuu sirta ah ee password-kaaga ka tireysa aaladda wax lagu baaro
(browser).
Marka aad dooneyso in aad dib ugu laabato xisaabtaadii email-ka aheyd, sanduuqa cinwaanka
ku dhex qor www.yahoo.co.uk sanduuqa aalada “browser” –ka ah , ka dibna riix <RETURN>
marka ay goobta Yahoo! site soo muuqatana, guji xiriiriyaha farriinta “Mail” dushiisa sidii aad
marka horeba sameysey.
Ka dibna waxa aad arki doontaa sanduuq qoraal oo
dheer sida kan oo kale:
Teebka ku qor ID-gaaga iyo erreyka password-ka kuu
ah, ka dibna kilik (click) garee botoonka saxiix ku soo
gal ee “Sign In” ah. Tani waxa ay kugu celin doontaa
xisaabtaadii email-ka aheyd si aad farriimahaaga u
eegato oo aad adiga wax dirsato.
Setting up an email account with Yahoo! - SOMALI
Get documents about "