Parent Involvement Flyer (Somali) - School District and
Document Sample


Parent Involvement Flyer for Title I Schools
CDE, T07-045, Somali, Arial font
Page 1 of 8
Xaashida Hawsha Waalidka
Xaashidan waxay kobcinaysaa hawsha waalidka ee dugsiyada hela lacagta Title
I.
Caruurta waxay aad ugu guulaystaan dugsiyada marka waalidku aad ugu hawlan
yahay waxbarashadooda. Xaashidan waxay taxaysaa waxay Waaxda
Waxbarashada Kalifoorniya, wakaaladaha waxbarashada ee gudaha (Af
Ingiriisida loo yaqaan LEAs), iyo dugsiyadu INAY sameeyaan si ay u kobciyaan
hawsha waalidiinta ee dugsiyada hela lacagta Title I. Macluumaadku wuxu ku
salysn yahay rabitaano laga helay Xeerka’No Child Left Behind Act (Af Ingiriisida
loo yaqaan NCLB) ee 2001. Fiiro: LEAs waa degmo dugsiyeedyada, xafiisyada
waxbarashada ee degmooyinka, iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay ee toos loo
maal-geliyo.
Waxa Waaxda Barashada ee kalifoorniya laga rabo INAY samayso:
1. In la kaashato wakaaldaha kale iyo hay’adha bixinta hogaaminta iyo
hagista LEAs iyo dugsiyada si waafaqsan Qaybta Section 1118, Hawsha
Waalidka, ee NCLB si loo xoojiyo waalidiintu siday si xoog leh uga
hawlanaan lahaayeen waxbarashada caruurtooda.
2. In loo qaybiyo LEAs iyo macluumaadka dugsiyada ee la xidhiidhka
hufnaanta hawsha waalidka in ay:
Ka faa’iidaystaan daraasadaha ugu cusub ee xirfadda.
Kobciyaan dhammaan ardayda dedaalka badan.
Yareeyaan caqabadaha ka qaybqaadashada waalidiinta ee qorshaha
dugsiga iyo nidaamka dib-u-hubinta iyo horumarka.
3. Siiyaan waalidiinta karaka warbiixnta ee sannadlaha oo si sahlan loo
fahmi karo ee la xidhiidha horumarka ardayga iyo shahaadooyinka
xirfadyahanada ee shaqaalaha baritaanka.
4. In dib loo hubiyo horumarka LEA kasta sannadkii si loo qeexo:
Haddii dugsiyadu sameeyeen horumar ku filan sanadka
Haddii LEA kastaa uu gutay xilkiisii la xidhiidhay qiimaynta, hawsha
waalidika, horumarka dusgiga iyo taageerada, shahaadooyinka
macalimiinta iyo xirfadyahanada kale
5. La-socodka u hogaansanaanta xeerka Title I, oo uu ka mid yahay dib-u-
hubinta siyaasadaha iyo nidaamyada hawsha waalidka ee LEA.
Parent Involvement Flyer for Title I Schools
CDE, T07-045, Somali, Arial font
Page 2 of 8
Maxay tahay INAY qabtaan wakaaladaha wabarashadu:
1. Siiyaan tashi wax ku oola waaldiinta ardayda loo adeegayo.
2. Qorshaynta iyo fulinta barnaamijyada, hawlaha, iyo nidaamyada, sida
waafaqsan Title I, ee hawl geliya waalidiinta waxbarashada ilmahooda.
3. Kobcinta siyaasada hawsha waalidiinta ee ka-qaygalka waalidiinta.
Siyaasadan waxay ka qayb noqonaysaa Qorshaha LEA iyo samaynta
filashada LEA ee hawsha waalidiinta. Siyaasada hawsha waalidiinta
waxay sharxaysaa sida LEA ay:
Hawl gelin doonto waalidiinta xagga gargaarka kobcinta Qorshaha LEA.
Hawl gelin doonto waalidiinta nidaamka dib-u-hubinta iyo horumarinta
dugsiga.
Siinta dugsiyada gargaarka daruuriga ah ee qorshaynta iyo hirgelinta
hawlaha ka-qaybqaadashada ee waalidiinta ee kobcinaya horumarka
waxbarsho ee ardayda iyo shaqada dugsiga.
Dhisidda mugga dugsiga ee waalidka ka hawlgalkiisa dugsiga xagga:
Gargaarka waalidka fahamka heerka xaaladda aqooneed iyo
qiimaynta gobolka
Bixinta qalab iyo tababar waalidka sidii loo hormarin lahaa
aqoontooda siday ugu guulaysan lahaayeen
Ka hawlgalka waalidka dugsiyada, gaar ahaan kuwa la xidhiidha
aqoonta
Waxbarista macalimiinta iyo shaqaalaha kale, sidau u gargaari lahaayeen
waalidka, xagga:
Garashada qiimaha iyo waxtarka kaalinta waalidka
La xidhiidhka, hadalka iyo la shaqaynta waalidka si iskaashi siman
ah
Fulinta iyo isu-xidhka barnaamijyada waalidka
Dhismaha xidhiidhka u dhaxeeya waalidka iyo dugsiga
Iskudubaridka hawlaha barnaamijyada waalidka iyo barnaamijyada kale,
sida Madaxfurka ‘Head Start’, Akhriska Hore ‘Reading First’, iyo
dugsiyada hore ee dadweynaha.
Bixinta taageero macquul ah xagga hawlaha waalidka ee hoos yimaad
Title I hadba sida uu u codsado waalidku.
Qabashada, iyada oo la kaashanayo waalidka, qiimayn sannadle ah ee
nidaamyada hawlaha waalidka iyo waxtarkeeda sidii lagu hormarin lahaa
tayada dugsiyada ee Title I.
Parent Involvement Flyer for Title I Schools
CDE, T07-045, Somali, Arial font
Page 3 of 8
Qeex caqabadaha ka-qaybqaadashada weyn ee hawlaha waalidiinta ee
uu fasaxayo Title I.
Sii waalidiinta hadaladooda Waaxda Waxbarashada ee Kalifoorniya haddii
qorshaha LEA aanu ku filayn waalidiinta.
4. U reeb boqolkiiba hal maalgelinta Title I hawlaha waalidiinta haddii LEA
hesho in ka badan $500,000. LEAs waa inay:
Hawlgelisaa waalidiinta go’aanada la xidhiidha sida loo isticmaalayo
kharashka hawlgelinta waalidka.
U-qaybinta boqolkiiba 95 maalgelinta hawlgelinta waalidka dugsiyada
Title I.
5. Siinta fursadaha buuxda waalidiinta ku hadla Ingiriisida xadidan,
waalidiinta ilmaha laajiga ah, waalidka ilmaha naafada ah.
6. Ku darista waalidka, markay suurtowdo, qayb ahaan kooxda taageerada
dugsiga ee loo habeeyey inay gargaaraan LEAs iyo dugsiyada xagga
kordhinta horumarka ardayga.
7. Siinta waalidka karaka warbixnta sannadlaha ah oo si sahlan loo fahmi
karo.
8. Ogeysii waalidka marka uu ilmaha wax barao afar ama ka badan
toddobaadyo isku xiga macalin aan buuxin shuruudihii looga baahnaa
NCLB.
9. Siinta waalidka macluumaad hufan xagga dugsiyada af ama qaab ay
fahmi karaan. Macluumaadka waa ianay ku jiraan ogeysiiska sannadlaha
ah:
Heerka horumarka ilmaha ee qiyaas kasta oo waxbarasho ee looga
baahan yahay xeeerka gobolka iyo federaalka.
Magacyada dugsiyada ay ku qeexeen gobolku dugsiyada Barnaamijka
Horumarka (PI)
Ikhtiyaarka waalidka u ku beddeli karo ilmaha min dugsi PI ah ilaa midaan
ahayn PI (Gaadiidka waxa bixinaya LEA sida waafaqsan siyaasadda
maxaliga. Haddii dalabku ka bato lacagta taala, mudnaanta adeega waxa
la siinayaa ardayda ugu hooseeya xagga horumarka.)
Adeegyada waxbarashada dheeraadka ah waxay u yaalaan dugsiyada PI:
Rabitaanka U-qalmanaanta ardayda helaya adeegyada
waxbarashada dheeraadka ah
Magacyada bixiyayaasha la ogolaaday iyo aqoontooda
Helista gargaar waalidka xagga xulashada bixiye, haddii la codsado
Parent Involvement Flyer for Title I Schools
CDE, T07-045, Somali, Arial font
Page 4 of 8
Hubinta nidaamyo xaq ah oo u qalma u adeegista ardayda
Nidaamyada gaarka ee ilaalinaya tilmaanta aradyga
Macluumad la xidhiidha kuwa baranaya Ingiriisida (haddii lacagta Title I
loo isticmaalay barnaamij barasho Ingiriisi):
Sababta ilmaha loogu qeexayaa inuu yahay Ingiriisi barte iyo
meesha lagu meelaynayo.
Heerka ilmaha ee Ingiriisida iyo horumarka aqoonta iyo sida heerka
lagu qiimeeyo
Sharaxaad barnaamijyada jira, farqiyada u dhaxeeya, iyo habka
baritaanka
Siyaabaha ay barnaamijyadu u daboolayaan baahida iyo itaalka
waxbrashada ilmaha
Siyaabaha ay barnaamijyadu uga gargaaryaan ilmaha barashada
Ingiriisida iyo heerak kobcinta iyo qalinjabinta
Rabitaanada looga baxayo barnaamijka, oo ay ku jirto heerka laga
filayo kala wareega faslka caadiga ah af-Ingiriisida, iyo qalin-jabinta
laga filayo dugsiga sare
Siyaabaha barnaamijyada u daboolayaan himilooyinka waxbarasho
ee qof ahaaneed ee ilmaha naafada ah
Xaq waalidka uu ku diidi karo qorriinka, codsan karo in laga saaro
ilmaha barnaamijka, ama helitaanka gargaar uu ku xulan karo mid
kale
Xaqa uu ku codsan karo aqoonta xirfadda macalimiinta ilmahooda, oo ay
ku jirto:
Macalinka aqoontiisa inuu bari karo maadadaas
Nooca shahaadadaha uu haysto
Digriiga ama shahaadada qalin jabinta ee uu haysto
Haddii adeegyadu uu bixinayo xirfadyahan, muxuu yahay adeegu
iyo aqoonta qofka bixinayaa
Jiritaanka iyo ujeedada Xarumaha Macluumaadka iyo Khayraadka
Kaliforniya ee laga maalgaliyo federaalka[(PIRCs)]
Wixixi macluumaad dheeraad ah ee la xidhiidha adeegyada dheeraadka, booqo
boga Waaxda waxbarashada Kaliforniya:
http://www.cde.ca.gov/ta/ac/ti/supplemental.asp
Parent Involvement Flyer for Title I Schools
CDE, T07-045, Somali, Arial font
Page 5 of 8
Waxay samayn KARAAN wakaaladaha waxbarashadu:
Dhisidda mugga dugsiyada ee hawlgelinta waalidka xoogan iyo u farsamaynta
waalidku si ay ku noqdaan qaar aad ugu hawlan waxbarashada ilmahooda iyada
oo la qaadayo ficilada soo socda:
Hawlgelinta waalidka kobcinta tababarka macalimiinta, maamulayaasha,
iyo barayaasha kale si loo hormariyo waxtarka tababarka.
Bixinta tababarka jahli ka baxa ee qoyska haddii LEA ay isticmaasho
dhammaan khayraadyada kale , oo ay ku jirto gaadiidka iyo kharashka
logo talogalay tababarkaas.
Bixinta kharashyada macquulka ah eel agama maarmaanka ah ee la
xidhiidha waxqabadyada halaha walidka oo ay ku jiraan gaadiidka iyo
kharashyada daryeelka ilmaha, si loo xoojiyo waalidka si ay u tagaan
kulanada iyo kulanada tababarka.
Tababarida waalidka si ay u gargaaraan waalidka kale xagga hawlgelinta.
Qabanqaabada kulanad dugsiyada wakhtiyo kala duwan ama qabashada
kulanada gudaha u dhaxeeya macalimiinta ardayda adegyada hela hoos
yimaad Title I iyo waalidiinta aan awoodin inay yimaadaan kulanada
dugsiga.
Qadaashada iyo hirgelinta qaabo ku-dayasho leh si lagu hormariyo
hawlgelinta waalidka.
Samaynta guddiga tashiga waalidka ee LEA si loobixiyo talo arrimaha la
xidhiidha halwha waalidka ee barnaamijyada iyo adeegyada ardayda Title
I.
Kobcinta door haboon ururada ku salyasan bulshada iyo ganacsiyada
waxqabadyada hawlaha waalidka.
Maxay tahay INAY qabtaan dugsiyadu:
1. La-shaqaynta waalidka sidii loo kobcin lahaa nidaam hawlgelintya
waalidka oo qoraal ah oo ay aqbali akraan oo sharxaya siyaabaha loola
kulmayo abitaanada soo socda ee Title I ee NCLB (haddi uu dugsigu
durba leeyahay siyaasad waalid hawlgelineed, dusgsigu waa inuu beddela
siyasadda si uu u buuxiyi rabaitaanada Title I):
Ogeysiinta waalidka siyaasada hadal iyo qaab la fahmi karo
Dib u habayn joogto ah siyaasada si loo buuxiyo baahiayaha waalidka iyo
dugsiga
2. Qabashada ballan sannadle ah wakhti habboon dhamman waalidk
ailamaha ka qaybgalaya. Ujeedooyinka kulankani waa in:
Parent Involvement Flyer for Title I Schools
CDE, T07-045, Somali, Arial font
Page 6 of 8
Loo sheego waalidka ka qaybqaadashada dugsiga barnaamijka Title I.
La sharxo rabitaanada Title I.
La sharxo xaqa waalidka si uu uga hawlgalo.
3. La bixiyo fadhiyada halwgalka waalidka meelo kala duwan, sida aroortii
ama galabtii. Dugsiyadu waxa isticmaali karaan lacagta Title I si loo bixiyo
gaadiidka, daryeelka ilmaha ama booqashada guriga ee la xidhiidha
halgalka waalidka.
4. Hawlgelinta waalidka si habaysan, socota oo hufan qorshaynta, dib-u-
hubinta iyo horumarinta barnaamijyada Title I, oo ay ku jiraan nidaamka
dhammaan hawlaha waalidka ee dugsiga iyo Qorshaha Keliya ee
Horumarka Ardayga.
5. La keeno hadalada waalidka ee qorshaha barnaamijka dugsiga LEA
haddii waalidku aanu helin qorshe raali geliya.
6. La siiyo waxyaabaha soo socda waalidka ardayda ka qaybqaadanaysa:
Macluumaad hufan ee barnaamijyada Title I
Sharax iyo macanayn manhajka lagu isticmaalo dugsiga, qiimaynta
aqoonta lagu isticmaalo qiyaasta horumarka ardayga, iyo heerka
xariifnimada aradyada laga filayo inay gaadhaan
Fursadaha kulanada joogtada ah, haddii ay codsadaan waalidku, in:
Soo-jeedin la sameeyo.
Ay helaan jawaabo hufan.
Ka qaybqaataan, sida habboon, go’aanada la xidhiidha
waxbarashada ilmahooda.
7. Kobcinta wadajir ahaan ee waalidka ama daryeelaha ka qaybqaadashada
ardayda iskudhafkooda qeexaya:
Mas’uuliyadda waalidka, ardayda, iyo dhammaan shaqaalaha dugsiga
si loo horumariyo horumarka waxbarashada
Mas’uuliyada la wadaago ee ka dhaxaysa dugsiga iyo waalidka si loo
gargaaro ilmaha inuu ku guulaysto heerarka waxbarasho ee gobolka
Mas’uuliyada dugsiga in uu bixiyo manhaj tayo sare leh iyo
waxbarasho jawi taageero iyo baritaan oo fiican oo ka gargaara ilmaha
loog aadeego Title I si ay u buuxiyaan rabitaanada heerka waxbarasho
ee gobolka
Siyaabaha ay waalidku mas’uul uga noqonayaan taageerada
waxbarashada ilmahoodu , sida ka warhaynta xaadiriska, shaqada
guriga dhamaystikiisa, iyo daawashada TV-ga; tabaruc ugu shaqaynta
fasalka, ka qaybqaadashada, sida haboon go’aanad la xidhiidha
Parent Involvement Flyer for Title I Schools
CDE, T07-045, Somali, Arial font
Page 7 of 8
waxbarashada ardaygooda iyo sida uga faa’iidaysan lahaayeen
wakhtiga dheeraadka
Muhimada xidhiidhka joogta ah ee macalimiinta iyo waalidka (ugu
yaraan):
Kulanada waalid-maclin ee sannadlaha ah ee dugsiyada hoose,
ee wadajir looga wadahadlo arrimaha horumarka ilmaha la
xidhiidha
Warbixinada dhawrka ah ee waaklika ee horumarka ilmahooda
Si macquula in loo heli karo shaqaalaha
Fursado macquula tabaruca dugsiga, ka qaybqaadashada faslka
fasalka ilmahooda, iyo la socodka hawlaha fasalka
Macuumd dheeraad ah oo la xidhiidha ka-qaybqaadashada waalidka ee
dugsiyada waxa laga heli karaa bogaga internetka ee soo socda
Waaxda Waxbarashada: Yaan Ilmona Laga Tegin ‘No Child Left Behind’
http://www.cde.ca.gov/nclb
Waaxda Waxbarashada ee Kalifoorniya: Title I
http://www.cde.ca.gov/sp/sw
Waaxda Waxbarashada ee Kalifoorniya: Is-kaashiga Qoyska, Dugsiga iyo
Bulshada
http://www.cde.ca.gov/ls/pf/
Xarunta Macluumaadka iyo Khayraadka Waalidka (il dibedda ah)
http://www.pirc-info.net
Nidamka Hawsha Qoyska ee Barayasha (il dibedda ah)
http://www.finenetwork.org
Iskaashiga Hawsha Waalidka ee Waxbarashada (il dibedda ah)
http://www.ncpie.org
Nidaamka Qaranka ee Wadajirka Dugsiyada (il dibedda ah)
http://www.csos.jhu.edu/P2000/
Ilmona Yaan Laga Tegin (il dibedda ah)
http://www.ed.gov/nclb/landing.jhtml
Waaxda Waxbarashada U.S. (il dibedda ah)
http://www.ed.gov
(Guji Recursos en Español afka Isbaaniska boggan internetka.)
Parent Involvement Flyer for Title I Schools
CDE, T07-045, Somali, Arial font
Page 8 of 8
[Title I Programs and Partnerships Office]
[1430 N Street]
[Sacramento, CA 95814]
[(916) 319-0854]
[Fax: (916) 319-0151]
[F01-081 103-0049-01 11-03 15M]
[NOTE TO LOCAL EDUCATIONAL AGENCIES (LEAS): As a form of
assistance to LEAs, the California Department of Education (CDE) offers
this translation free of charge. Because there can be variations in
translation, the CDE recommends that LEAs confer with local translators to
determine any need for additions or modifications, including the addition of
local contact information or local data, or modifications in language to suit
the needs of specific language groups in the local community. If you have
comments or questions regarding the translation, please e-mail the
Clearinghouse for Multilingual Documents (CMD) at cmd@cde.ca.gov.]
Get documents about "